DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dhamaystirtay sharciga wadda marista

0
628

Iyadoo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan sidoo kalena ay ka soo kabanayso burburkii Magaalada Soo maray ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Faahfaahin ka Bixisay qorshayaasha wasaaradda ee la Xiriira sharuucda marista waddooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kuwaas oo la doonayo in lagu hago gadiidka ka howlgala dalka gaar ahaan Caasimadda magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya ayaa Xustay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista waddooyinka ayna diyaarisay wasaaraddu sharcigii waddo marista Qaranka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Cali Gacal Gaabow ayaa ka warbixiyay horumarrada waxqabadka wasaaradda qorshayaasha wasaaradda iyo diiwaan galinta gaadiidka waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku guuleysatay inay diyaariso sharuucda marista waddooyinka.

Sharciga Gaadiidka ee marisay Waddooyinka oo ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay ayaa Wuxuu kusoo aadayaa xilli waddooyinka Muqdisho uu kajiro ciriiri farabadan oo ay dhib ku qabaan Shacabka waddooyinkaas isticmaala.