Agaasimaha guud ee KPA William Ruto oo galay shil baabuur

0
189

Hay’adda Dekedaha Kenya (KPA) ayaa xaqiijisay in Agaasimaheeda Guud, Kabtan William Ruto, uu shil gaari galay fiidnimadii galay isagoo la safraya qoyskiisa.
War-saxaafadeed ay soo saartay Sabtida maanta ah, hay’addu waxay ku sheegtay in shilka, uu ka dhacay Taita Taveta oo ku teedsan wadada Mombasa, kaasi oo galaaftay nolosha gabadhiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Kabtan Ruto iyo inta kale ee qoyskiisa ayaa ka badbaaday shilka oo hadda daryeel caafimaad helaya.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in Kabtan Ruto iyo xubnaha kale ee qoyskiisa ay ku jiraan xaalad deggan.