Afar qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo burcad hubeysan ku qaadeen deegaanka Nosuruai iyo Nantarangweti ee ismaamulka Samburu, gaar ahaan degmada galbeedka Samburu.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, koox ka kooban ku dhowaad 60 nin oo hubeysan ayaa weerarka soo qaaday, iyagoo dilay laba xoolo-dhaqato ah, isla markaana kaxaystay dhammaan xoolihii ay la joogeen.
Hase yeeshee, xoolo-dhaqatada ayaa dib isu abaabulay, iyagoo baacsaday kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana iska horimaadkii xigay lagu dilay laba ka mid ah burcadda hubeysneyd, halka sidoo kale lagu soo furtay 200 oo neef oo lo’ ah.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay la baxsadeen 150 neef oo kale oo lo’ ah.
Booliska ayaan weli soo qaadin meydadka labada nin ee la dilay, kuwaas oo ku sugan dhul gudaha ah oo aysan gaadiidku gaari karin.
Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha deegaanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ismaamulka Samburu, Lati Lelelit, ayaa saaka booqday xoolo-dhaqatada ay dhibaatadu saameysay, si ay ula wadaagaan xaaladda ka dhalatay weerarka.




