Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Salama ee ismaamulka Makueni, gaar ahaana waddada isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Shilka ayaa dhacay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah , kaddib markii gaari xamuul ah uu lumiyay xakamynta, isagoo ku dhacay gaadiid dhowr ah oo uu ku jiray gaari ay dadweynuhu raacaan oo ka kooban 14 kursi.
Kaniisadda Katooliga ayaa xaqiijisay in 17-ka qof ee ku dhintay shilka ay ahaayeen dad ka tirsan kaniisadda St. Mathias Mulumba ee xaafadda Mikindani ismaamulka Mombasa, kuwaas oo ku sii jeeday xarunta Subukia, ee ismaamulka Nakuru, si ay uga qaybgalaan xaflad kaniisadeed.
Dhanka kale, toddoba qof oo kale oo ku dhaawacmay shilka ayaa la sheegay in loola cararay isbitaalka Sultan Hamud, halkaas oo lagu dabiibayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka William Ruto, ayaa tacsi u diray qoysaska 17 qof oo ku geeriyooday shilka gaari oo ka dhacay deegaanka Salama ee ismaamulka Makueni.
Madaxweyne Ruto ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada, iyo dadka ay saamaysay geeridooda.




