Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay 38 milyan u qoondeysay isku xirka korontada ee Ismaamulka Tana River , isagoo sheegay in dadka deegaanka ay koronto heli doonaan ka hor dhammaadka bisha December.
Madaxweyne Ruto ayaa hadalkan sheegay intii uu ku guda jiray booqashadiisa horumarineed ee gobolka Xeebta, isagoo xusay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada korontada iyo horumarinta kaabeyaasha aasaasiga ah ee bulshada.
Madaxweyne William Ruto ayaa sido kale dadka reer Tana River ku dhiirrigeliyay inay iska diiwaangeliyaan SHA, si ay uga faa’iidaystaan adeegyada caafimaad ee uu nidaamku daboolo.
Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay ka faa’iidaysato nidaamka caymiska caafimaadka, gaar ahaan dadka iyo qoysaska u baahan daryeel caafimaad oo la heli karo oo la awoodi karo.
Madaxweyne Ruto ayaa dadka ugu baaqay inay iska diiwaangeliyaan SHA oo ay hubiyaan in qoysaskoodu ka mid noqdaan dadka ka faa’iidaysan kara adeegyada caafimaad ee nidaamka SHA.
Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale ka hadlay arrimaha dhibaatada taariikhiga ee dhulka gobolka xeebta isaga oo maalmahan gobolka ka bixiyay warqadaha lahanshaha dhulka ee Ismaamulada Mombasa,Lamu, Kilifi iyo Kwale.
Ismaamulka Tana River waxa uu xusay in maanta shacbaka ismamaulkaasi uu gudoonsiinayo 4,500 oo ah warqadda lahanshaha dhulka.




