Madaxweynaha dalka oo ka hadlay bixinta deymihii lagu yeeshay NHIF

0
658

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in dowladdu ay bixin doonto deymaha dhan 10 milyan oo shilin iyo wixii ka yar ee ay isbitaallada ku leeyihiin caymiskii caafimaadka NHIF ee lagu beddelay SHA.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in culeysyada dhaqaale looga fududeeyo isbitaallada dowladda, kuwa gaarka ah iyo xarumaha caafimaad ee hoos tago ururrada diimeed ee u adeegay bukaannadii isticmaalayay caymiskii hore si loo wanaajiyo hannaanka cusub ee SHA.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in isbitaallada lacagaha la siinaya ay yihiin boqolkiiba 91 ee xarumihii qandaraaska la galay NHIF ka hor inta aan meesha laga saarin.
Dowladda ayaa billowday geeddisocod xaqiijin ah oo ku aaddan sheegashada isbitaallada kale oo ah boqolkiiba 9.
Waxaa uu qorshuhu yahay in xaqiijintan lagu soo gabagabeeyo muddo 90 cishe gudaheeda ah kadibna lagu heshiiyo qorshaha lagu bixinaya deymaha.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in bil gudaheeda lagu bixiyo amaahda lagu leeyahay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo nidaamkan uu bixiyay 18.2 bilyan oo shilin laga soo billaabo 1-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa 31-dii bishii Jannaayo ee sanadkan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale xusay in dhaliilaha ka dhanka ah caymiska SHA ay salka ku hayaan dulduleelladii lagu lunsan jiray dhaqaalihii NHIF oo la daboolay.
Madaxweyne William Ruto ayaa cadeeyay in si kasta oo dowladdu loo dacaayadeeyo aan marnaba lagu qabsi karin in dib loogu laabto nidaamkii hore ee caymiska ee NHIF si aan mar kale loo musuqmaasuqin hantida dadweynaha.