Shacabka Busia oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Raila uu ku guulaysan doono jagada AUC-da

0
394

Waxaa ismaamulka Busia ee xadka Kenya iyo Uganda lagu qabtay munaasabad loogu duceynaya musharraxa Kenya ku matalaya loollanka loogu jiro jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga.
Dadweynaha Busia ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka muujinayaan in Odinga uu tartanka ku soo bixi doono.
Waxay ugu baaqeen in haddii uu xilkan ku guulaysto inuu diiradda saaro wax ka qabashada nabad galyada ee qaaradda Afrika.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in codeynta loo qabanaya musharraxiinta jagadan u tartamaya ay dhacdo 15-ka bishan oo ku beegan Sabtida.