In ka badan 500 oo ka mid ah wakiillada ODM oo u safraya Addis Ababa

0
474

Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu yaraan 500 oo ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada ee ka tirsan xisbiga ODM ay safar ugu ambabaxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxay halkaasi u tagayaan in ay Goobjoog u noqdaan doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da ee uu Kenya ku matalaya Raila Odinga.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Peter Imwatok ayaa sheegay in wakiillada ay is iskood ah iskaga bixinayaan qarashaadka safarka.
Waxaa uu intaasi u daray in ujeedka safarkoodu uu yahay in ay soo dhiirrigeliyaan Mr. Odinga iyo xaqiijinta sidii uu guul uga soo hooyin lahaa tartanka.