TikTok oo sheegtay in ay bixisay ugu yaraan 334,000 oo ah muuqaallo lagu duubay Kenya

0
548

Barta TikTok ayaa shaaca ka qaadday in ay meesha ka saartay ugu yaraan 334,000 oo ah muuqaallo lagu duubay Kenya kuwaasi oo baalmarsan xeerarkeeda bulsho.
Tallaabadan ayay hoosta ka xarriiqday in looga gol-leeyahay xaqiijinta badqabka iyo in dhammaan dadka bartan isticmaala ay helaan saaxad dhijitaal oo ay ku faraxsan yihiin.
Waxay intaasi ku dartay in boqolkiiba 88.9 ee muuqaalladan la bixiyay ka hor inta aynan dadka kale daawan.
Boqolkiiba 93 ee muuqaalladan ayaa la saaray 24 saacadood gudahooda markii barta TikTok la soo geliyay.
Waxay warbixinteeda ku xustay in muddadan gudaheeda ay bixisay in ka badan 147 milyan oo muuqaallo ah guud ahaan caalamka.