Leonard Mambo Mbotela oo geeriyooday

0
523

Waxaa isagoo 84 sano jir ah geeriyooday rug caddaagii saxaafaded ee lagu magacaabayay Leonard Mambo Mbotela.
Wararka ayaa sheegaya in Mbotela oo caan ku ahaa xubintii Jee Huu ni Ungwana ee laga siidayn jiray telefishinka iyo raadiyaha dowladda ee KBC uu geeriyooday saaka abbaare 9:30 subaxnimo sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa oo sheegay inuu muddo xanuunsanaa.
Waxaa uu ka tagay xaaskiisa oo lagu magacaabo Alice iyo saddex carruur oo ay dhaleen oo kala ah Aida, Jimmy iyo George.
Waxaa geerida Leonard Mambo Mbotela ka tacsiyadeysay warbaahinta dowladda ee Radio Taifa.