Madaxweynaha dalka kenya oo bogaadiyay sifeynta Nairobi

0
393

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ku bogaadiyay dadaallada ay ku muujinaysa bilicda caasimadda waddanka.
Waxaa uu tilmaamay in tallaabooyinka uu ku howlan yahay maamulka Johnson Sakaja sida in waratada laga saaro waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha Nairobi ay yihiin kuwo wanaagsan.
Ruto ayaa barasaab ku xigeenka Nairobi Njoroge Muchiri, u sheegay in isaga iyo Sakaja ay ku wajahan yihiin jihada saxda ah dowladda dhexena ay ku garab taagan tahay.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Nairobi ay tahay caasimadda iyo wajiga Kenya sidaasi awgeedna ay qasab tahay in sawir sax ah ay muujiso.