Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in aynan jirin sabab wixii hadda ka dambeeya uunan madaxweyne William Ruto u dhameystiri karin magacaabidda saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Waxaa uu tilmaamay in maxkamadda sare ay maalmo ka hor fasaxday magacaabidda guddiga shaqaaleysiinaya mas’uuliyiinta IEBC ee beddelaya Wafula Chebukati iyo howlwadeennadii kale ee uu dhammaaday muddo xileedkooda.
Waxaa baaq kani la mid ah diray madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo xilalka sare ee ka bannaan IEBC si loogu diyaar garoobo doorashada guud ee sanadka 2027-da.