Ruushka iyo Iran oo kala saxiixday heshiis iskaashi

0
314

Madaxweynaha waddanka Iran Masoud Pezeshkian iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi, kaasoo sii qoto dheereynaya iskaashiga ka dhexeeya labada waddan ee sida aadka ah loo cunaqabateeyey.
Saraakiisha Iran iyo Ruushka ayaa sheegay in “heshiiska iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhamaystiran” uu daboolayo dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga milatariga ilaa sayniska, dhaqanka iyo waxbarashada.
Madaxweyne Pezeshkian waxa uu sheegay in labada dal ay galayaan bog cusub oo dhanka xiriirka ah, gaar ahaan dhanka ganacsiga.
Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in labada dal ay xoojin doonaan iskaashiga dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, ganacsiga, gaadiidka iyo tamarta.