Xisbiga talada dalka haya ee (UDA) iyo xisbiga (ANC) ayaa si rasmi ah ugu midoobay inay abuurmaan hal xisbi oo siyaasadeed.
Ururkan cusub ee la dhisay oo loogu magac daray United Democratic Alliance Party, ayaa lagu soo bandhigay xaflad ay ku midoobeen oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qayb galeen madaxweyne William Ruto iyo ra’iisal wasaaraha Musalia Mudavadi. Xisbiyadan ayaa waxaa kala hogaaminayay madaxweynaha dalka William Ruto oo UDA iyo madaxa wasiirada waddanka oo ANC ah.
Barasaabka dowlad deegaanka Embu, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDA ayaa tallaabadan ku sababeeysay abuurista koox loo dhan yahay oo kor u qaadaysa midnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.