Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in toddobaadyada nagu soo aaddan gudahooda, isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi laga furi doono machadka sifeynta kilyaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhisidda machadkan oo hadda ku dhow gabagabo la billaabay ka dib markii la ogaaday in ay sare u kaceen xanuunnada kilyaha saameeya iyo qarashaadka bukaannada uga baxo sifeyntooda iyo in loo beddello.
Kindiki ayaa laga soo xigtay in sidoo kale boqolkiiba 99 la dhameystiray soo iibinta agabka caafimaadka ee machadka kilyaha ee bariga Afrika ee (EAKI).
Waxaa uu shaaciyay in ay rajeynayaan in ugu dambeyn dhammaadka bisha Saddexaad ee sanadkan si buuxda loo howlgeliyo xaruntan.
Madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa intaasi ku daray in mashruucan uu horseedi doono in kenyaanka ay helaan adeegyo tayo leh oo ay awoodaan si looga dulqaado culeysyada dhaqaale ee ay kala kulmaan in kilyaha loogu soo beddello qurbaha.