Ururka dhakhaatiirta KVA oo doonaya in dib loo dhigo tallaalka xoolaha ee dalka

0
132

Ururka dhakhaatiirta xoolaha ee dalka (KVA) ayaa ku boorriyay dowladda inay dib u dhigto tallaalka xoolaha ee la qorsheynaya in guud ahaan waddanka laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2025-ka .
Waxay ku baaqeen in la sameeyo wacyigelin dadweyne si meesha looga saaro xogaha khaldan ee la xiriira tallaalidda xoolaha.
Bayaan uu ururkan soo saaray ayuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo wacyigelinta dadweynaha si loo hubiyo in beeralayda iyo xoola dhaqatada ay fahmaan faa’iidooyinka tallaalka islamarkaana ay si firfircoon uga qayb qaataan.
Ururku ayaa ka digay in lagu degdeggo barnaamijkan iyada oo aan si sax loo fahansiin xoola dhaqatada.
KVA ayaa sidoo kale ugu baaqday mas’uuliyiinta ay arrintan khuseyso inay mudnaanta siiyaan cudurrada sida aadka ah ugu faafo xoolaha ee gobollada qaar ee waddanka.
Waaxda horumarinta xoolaha ayaa lagu boorriyay in ay bixiyaan macluumaad hufan si loogu oggolaado xoola dhaqatada iyo beeralayda inay qaataan go’aanno madax bannaan oo xog ogaal ah.