Madaxweynaha dalka oo gaaray magaalada Wajeer

0
364

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta gaaray magaalada Wajeer oo uu ka socdo shirka afaraad ee hoggaamiyaasha ismaamullada xoolo dhaqatada ee waddanka.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullaahi iyo wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale.
Shirka magaalada Wajeer ka socdo waxaa ka qayb galaya hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada xoolo dhaqatada.