Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jambojet oo shil ku gashay gagida JKIA

0
382

Shirkadda diyaaradaha ee Jambojet ayaa sheegtay inuu hakad ku yimid duullimaadyadeeda, ka dib markii xalay mid ka mid ah diyaaradaheeda ay waxyeello yar soo gaartay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii diyaaradda Jambojet ay ku dhacday mid ka mid ah biraha nalka bixiya ee gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Diyaaradda ayay waxyeelladan soo gaartay, xilli ay dooneysay inay goob istaagto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligii dhacdadan la soo tabinayay uu garoonka dayactir ka socday.
Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shilkan uu sababay hakad ku yimid duullimaadyadeeda, islamarkaana ay macaamiisheeda ka raalligelisay dib u dhaca yimid.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay inaysan waxyeello soo gaarin shaqaalihii diyaaradda saarnaa.
Shirkadda Jambojet ayaa intaasi ku dartay in diyaaradda waxyeellada soo gaartay haatan dayactir lagu sameynaya.
Waxay u xaqiijisay macaamiisheeda in badqabka uu yahay mudnaanta koowaad .