Waxaa qaybo ka mid ah dalka laga soo tabiyay xaalado la xiriira roobab mahiigaan oo da’ay oo ay daadad ka dhasheen.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa ku boorrisay shacabka ku nool goobaha u nugul daadadka inay u wareegaan meelo ku meel gaar ah oo uu joogoodu sarreeyo.
Waxaa dadkan loogu baaqay inay la shaqeeyaan kooxaha gurmadka ee goobahaasi ku sugan.
Shalay ay ahayd markii uu karkaarrada jabsaday webiga Nyando ee ku yaalla ismaamulka Kisumu.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo toddobaadkii ugu dambeeyay ka da’ayay gobolka Nyanza.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sidoo kale soo saartay digniin la xiriirta in toddobaadkan ay daadad saameyn karaan gobollada Waqooyi Bari, Koonfur Bari, Xeebta, Bartamaha dalka, iyo Koonfurta gobolka Rift Valley.
Meelahan ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa suurtagalnimada inay duufaano ku dhuftaan.
Cimillada ayaa dhanka kale la filaya inay toddobaadka dambe isbeddesho.