Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi ayaa ku boorriyay Kenyaanka ee wali sugaya kaarka aqoonsiga qaranka ee ID islamarkaana ay horraan codsadeen in ay tegaan xarumaha Huduma.
Waxaa uu wasiirka sheegay in in ka badan 190,000 oo ah kaararka aqoonsiga qaran ee kibaandaha aan wali laga qaadan xarumaha Huduma.
Mr. Muturi ayaa xusay in tani ay dib u dhac u keenayso bixinta adeegyada muhiimka ah.
Waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in la qorsheynayo in deegaan walba laga hirgeliyo xarumaha Huduma, iyadoo taageero xooggan laga helayo xildhibaanada baarlamaanka.