Garsoorayaasha loo xilsaaray dhageysiga dacwadda Gachagua ayaa sheegay in ku xigeenka madaxa cadaaladda ee waddanka Philomena Mwilu ay u dhaqantay si waafaqsan sharciga.
Waxay garsoorayaasha xuseen in Philomena Mwilu ay awood dastuuri u leedahay in guddi garsoorayaal soo magacowdo.
Go’aankan oo ay soo saareen garsoorayaasha kala ah Eric Ogola, Antony Mrima iyo Dr. Freda Mugambi ayaa sheegeen in Mwilu ay si habboon u adeegsatay awooddeeda dastuuri.
Xukunkan ayaa yimid ka dib markii qareennada matalaya madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ay su’aal geliyay sharcinimada in ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ay guddi soo dhisi karto.
Qareennada matalaya Rigathi Gachagua ayaa ku doodeen in kaliya madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ay awood u lahayd inay soo magacowdo garsoorayaasha dhageysan karo dacwaddiisa.
Waxay qareennada Gachagua sheegeen in saddexda garsoorayaal oo ay soo magacowday Philomena Mwilu laga filaneenin inay soo saaraan go’aan cadaalad ah.