Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku xigeenkiisa u magacaabay Prof. Kithure Kindiki.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa golaha qaran ee xeer dejinta ka hor akhriyay in madaxweynaha waddanka uu la soo wadaagay magacaabidda madaxweyne ku xigeenka cusub Kithure Kindiki oo beddelaya Rigathi Gachagua oo xilka ay ka qaadeen senatarrada aqalka sare.
Moses Wetangula ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto uu xaqiijiyay in Kithure Kindiki uu buuxiyay shuruudaha looga baahan yahay shakhsiga noqonaya madaxweyne ku xigeenka.
Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa la filayaa inay maanta ansixiyaan magacaabista Kithure Kindiki.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo Kithure Kindiki, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si rasmi ah u soo magacaabi doona ku xigeenkiisa, ka dibna xilkaas loo dhaarin doona.
Prof. Kindiki ayaa hadda ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Dhanka kale, qaar ka mid xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay magacaabidda Kithure Kindiki.