Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo xilka laga qaaday

0
699

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Rigathi Gachagua codkooda ku taageeray 281 xildhibaan ah halka 44 kale ay ka soo horjeesteen, iyadoo hal mudane oo uu kalfadhigga ka maqnaa.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa shaaciyay in mooshinka uu meel maray sidaasi awgeedna Rigathi Gachagua laga xayuubiyay jagadii uu hayay.
Xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha dalka ayaa lagu saleeyay eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku tagriifalay kheyraadka dadweynaha iyo ku xadgudubka dastuurka.
Waxaa hadda arrintiisa loo gudbin doonaa aqalka sare oo ayidi doono go’aanka xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saari doono.
Waxaa uu noqonaya Rigathi Gachagua madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay taarikhada Kenya ee xilka laga xayuubiyo.