Wasiirka waxbarashada oo sheegay in imtixaanada qaran la sameyn doono bisha saddexaad ee sanadka soo socdo

0
466

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da ee sanad dugsiyeedka 2021-ka la sameyn doono bisha saddexaad ee sanadka dambe.
Sidoo kale waxaa bisha 12-aad ee isla sanadka 2022-ka ardayda fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay u fariisan doonaan imtixaannada shahaaddiga ee sanad dugsiyeedka 2022-ka.
Shalay ayay ahayd markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii ka soo baxday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore.
Tani ayaa timid ka dib saameyn cudurka COVID19 uu ku yeeshay jadwalka howlaha tacliinta ee dalka maadaama ay dugsiyada xirnaayeen ugu yaraan siddeed bilood.
Goobaha waxbarashada ee shalay dib loo furay ayuu qorshuhu yahay in la xiro 10-ka bisha Toddobaad ee sanadkan maadaama ay ardayda hadda qaadanayaan casharadii loogu talagalay xilli dugsiyeedkii saddexaad ee sanadkii hore.
26-ka bisha Toddobaad ee sanadkan waxaa billaabanaya xilli dugsiyeedka koowaad ee 2021-ka.