Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sheegay inuu waxbo kama jiraan ka soo qaaday natiijadii u soo baxday 287 ka mid ah ardaydii sanadkan sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da .
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay in ardaydan ay ku lug lahadeen wax is-dabamarin.
Falalka ay ku kaceen ee sababay in natiijadii u soo baxday dhinac la iskaga dhigo ayaa lagu sheegay xarumaha imtixaanka oo ay la galeen qoraalo aan munaasab ahayn, taleefoonada gacanta , in arday kale ay imtixaanka u sameyeen iyo dembiyo kale.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay in natiijada la kansalay ay tahay keliya midda ardayda balse aynan wax saameyn ah ku yeelan xarunta ay uga jawabeen su’aalaha maadooyinka kala duwan.
Hasa ahaate tirada dhacdooyinka la xiriira xatooyada imtixaannada ee la soo tabiyay ayaa hooseeyay marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii oo ay ahayeen 1,309 xaaladood.




