Israa’iil oo 100 qof ku dishay dalka Lubnaan

0
361

Ugu yaraan 100 qof ayaa la dilay halka in ka badan 400 ruux lagu dhaawacay weerarro ay militeriga Israa’iil ka fuliyeen dalka Lubnaan tan iyo saaka, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee waddankaasi.
Carruur, haween iyo kalkaaliyayaal caafimaad ayaa ka mid ah dadka la dilay.
Goor sii horreysay, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay maanta duqeeyeen ilaa 300 oo bartilmaameed ah oo ay ururka Xisbullaah maamulaan.