Portugal: 12 jir mindi ku dhaawacay lix carruur ah oo ay isku fasal ahaayeen

0
309

Waxaa lagu warramayaa in wiil 12 jir ah uu toori ku weerarray lix arday oo ay isku fasal ahaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lixda arday oo carruur ah ay dhaawacyo soo gaareen, iyadoo mid ka mid ah ay xaaladdiisa liidato.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay dugsi ku yaalla waqooyiga magaalada Lisbon ee dalka Portugal.
Carruurta la dhaawacay ayay da’doodu u dhexeysa 12 ilaa 14 sano jir.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Azambuja, oo 50 kiiloomitir waqooyi ka beegan caasimadda dalka Portugal ee Lisbon.
Wiilka yar ee weerarka gaystay ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo booliiska ay su’aalo weydiinayaan si loo ogaado sababta ka dambeysa inuu falkan gaysto.
Waxaa weerarkan cambaareeyay ra’iisul wasaaraha waddanka Portugal Luis Montenegro isagoo oo ku tilmaamay fal aad u foolxun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here