Kenya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya arrimaha tacliinta sare

0
194

Dowladda dalka ayaa boqortooyada Sacuudi Carabiya la kaashanaysa wanaajinta tacliinta sare iyo cilmi baarista.
Waxaa ay wada shaqeyntan ku saabsan tahay in la is dhaafsado aqoonta iyo hibooyinka dhanka waxbarashada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday xoghayaha waaxda tacliinta sare iyo cilmi baarista ee Kenya Beatrice Inyang’ala .
Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeysay in iskaashigan uu gacan ka gaysan doono xallinta caqabadaha dhanka waxbarashada.