Dhaxal sugaha Sacuudiga iyo madaxweynaha Falastiin oo wada hadlay

0
354

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayaa wada hadal la yeeshay madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas.
Waxay wada hadalkooda diiradda ku saareen xaaladda ka taagan Qaza.
Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa ku warramaysa in kulanka labadan mas’uul uu ka qabsoomay magaalada Riyadh.
Maxamad Bin Salmaan ayaa sheegay in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sii wadi doonto dadaallada ay kula xiriiraysa dhinacyada gobolka iyo si guud caalamka si loo joojiyo duullaanka militari ee ka socdo Qaza.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Sacuudi Carabiya ay taageeraysa in shacabka Falastiin ay helaan xuquuqdooda oo ay ka mid tahay inay ku noolaadaan nolol wanaagsan , nabad galyo waarta iyo in loo rumeeyo rajooyinkooda iyo himilooyinkooda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay saraakiil sare oo matalaya Sacuudi Carabiya iyo Falastiin.