Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa min 200,000 oo shilin oo damaanad shakhsiyeed ah ku siidaysay 5 sarkaal oo booliis ah oo ku eedeysan in ay fududeeyeen tallaabadii ay dhawaan saldhigga booliiska ee Gigiri uga baxsadeen 13 eedeysanayaal ah.
Garsoore Martha Nazushi ayaa go’aankan soo saartay.
Sidoo kale waxay amartay in mid waliba oo ciidamada ka mid ah uu soo bandhigo qof lagala xiriiri karo oo bixinaya damaanad ah 100,000.
Go’aankan ayey xaakinka maanta soo saartay ka dib markii waaxda dacwad oogidda ay maxkamadda ka codsatay in ay u oggolaato in saraakiisha 14 cishe lagu hayo xabsiga si ay gacan uga gaystaan baaritaannada.
Garsooraha ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay ku guul darreysatay in ay maxkamadda la wadaagto sababo lagu qanci karo oo qasab ka dhigaya in askarta maalmo dheeraad ah ay xabsiga ku sii jiraan.
Home Wararka Kenya Saraakiil loo haysto maxaabiistii ka baxsaday saldhigga Gigiri oo damaanad lagu siidaayey