Waxaa xalay xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu dilay aabe 4 carruur ah dhalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu gaystay askari ay isku maandhaafeen saddex kun oo shilin soomaali ah.
Ehellada ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda cadaalad ka dalbaday.