Madaxweynaha oo amray in la soo siidaayo kenyaanka loo xiray dibadbaxyada

0
338

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amray in la siidaayo cid kasta oo la xiray ka dibna maxkamadda la soo taagay intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadka la qabtay badankoodu ay adeegsanayeen xaqooda dastuuriga ah ee ku saabsan in ay cabasho ka muujiyaan jahada qaldan ee uu qaranku ku socdo sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in laga dhigo dambiilayaal oo kale.
Ruto ayaa sheegay in laamaha ammaanka laga doonaya in ay siidaayaan qof kasta oo aan fal dambiyeed gaysan.
Waxaa uu cadeeyay in Kenya ay tahay waddan xor ah oo dimuqraadi ah.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale qoomamo ka muujiyay in intii ay dibadbaxyadu socdeen ay saraakiisha ammaanka mararka qaar adeegsanayeen awoodo xad dhaaf ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka laga doonayo in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si xilkasnimo leh oo si buuxda u waafaqsan dastuurka waddanka u degsan.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in ay qasab tahay in iyadoo loo maraya habraacyada habboon la dardargeliyo la xisaabtanka saraakiisha gaysta xadgudubyada ka dhanka ah shacabka.