Madaxtooyada dalka oo ka walacsan miisaaniyadda laga dhimay

0
199

Maareeyaha madaxtooyada dalka ee State House Katoo Ole Metito ayaa doonaya in baarlamaanka uu dib u soo celiyo miisaaniyad horay loogu qoondeeyay oo laga dhimay.
Miisaaniyaddan oo ahayd 9.4 bilyan oo shilin ayaa lagu soo reebay 4.3 bilyan.
Katoo ayaa hoosta ka xarriiqay in howlaha madaxtooyada sida soo dhaweynta, bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo safarrada ay noqon doonto in la hakiyo.
Katoo Ole Metito ayaa golaha qaran ee xeer dejinta waydiistay in loo qoondeeyo 1.7 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa horay u sheegay in loo baahan yahay in madaxtooyada ay noqoto xarunta ugu horreysa waaxyaha dowladda ee looga daydo yareynta qarashaadkeeda.