Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Francis Kuria ayaa sheegay in dadweynaha ay haystaan ilaa maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe si ay u gudbiyaan aragtidooda ku aaddan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo diiday inuu qalinka ku duugo hindisahan oo uu baarlamaanka ansixiyay ayaa dib ugu celiyay golaha qaran ee xeer dejinta si isbeddel loogu sameeyo iyadoo dadweynaha laga qayb gelinaya.
Go’aankii madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii ay waddanka ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday qorshahan.
Hasa ahaate, Kimani Kuria ayaa hadda sheegaya in shacabka laga doonaya in ay ka faa’iidaystaan fursadda mar kale la siiyay oo ay aragtidooda gudbiyaan.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in ay si shakhsi ah u akhristaan oo ay u fahmaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kenyaanka oo haysta ilaa Isniinta si ay uga ra’yi dhiibtaan hindise sharciyeedka...