Kenya oo heshay ku dhawaad 60 bilyan oo ay kula tacaalaysa HIV,Qaaxada iyo Duumada

0
145

Dowladda Kenya ayaa saxiixday ilaa 6 heshiis oo caalami ah oo ay ku helaysa 59.7 bilyan oo shilin.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa lagu sheegay in heshiisyadan la dhaqangelin doono laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan ilaa bisha Lixaad ee sanadka 2027-da.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay kula tacaasho caabuqa keena cudurka AIDS-ka ee HIV-da, sidoo kale xanuunnada Qaaxada iyo Duumada.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in arrinkan ay iska kaashanayaan dowlado , ururrada rayidka, waaxyaha gaarka ah iyo dadka ay saameeyeen xanuunnadan.
Dhanka kale, waxaa gudaha waddanka boqolkiiba 78 hoos u dhacay kiisaska cusub ee fayraska HIV-da,dhimashada la xiriirta ayaa yaraatay boqolkiiba 68 halka hooyada oo canugga u gudbisa caabuqan ay hoos u dhacday boqolkiiba 65.
Waxaa hadda gudaha Kenya caabuqa HIV-da la nool ku dhawaad 1.4 milyan oo qof kuwaasoo la siiya daryeelka ay u baahan yihiin.
Sidoo kale waxaa kordhay daryeelka ka dhanka ah cudurka Qaaxada ama TB-da oo hadda gaaray boqolkiiba 86.
Kiisaska Qaaxada ee laga diiwaangeliyay Kenya ayaa isku celcelis ahaan yaraaday boqolkiiba 5.6 sanadkan halka sanadkii 2021-kii ay ahayd boqolkiiba 7.35.
Sidoo kale waxaa in ka badan laba jibbaar noqotay tirada dadka laga daaweeyay xanuunka Qaaxada.
Tiradan ayaa bishii Saddexaad ee sanadkan noqotay 502,970 qof halka sanadkii 2021-kii ay ahayd 245,902 ruux .
Dhanka cudurka Duumada ama Malaariyada waxay guud ahaan waddanka hoos u dhacday boqolkiiba 6 halka sanadkii 2015-kii lagu sheegay boqolkiiba 8.2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here