Madaxweynaha dalka oo ku baaqay maalgelinta tamarta la cusbooneysiin karo

0
207

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay in si wayn loo maalgeliyo ka faa’iidaysiga tamarta ka cusbooneysiin karo ee qaaradda Afrika.
Waxaa uu walaaca ka muujiyay in taageerada dhaqaale ee arrinkan ku aaddan in ay weli hooseyso.
Ruto ayaa sheegay in Afrika ay leedahay kayd baaxad leh oo ah tamarta la cusbooneysiin karo marka loo eego daafaha kale ee caalamka.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan heer sare ahaa oo dhanka ganacsiga iyo ka falcelinta saameynta isbeddelka cimillada kaasi oo lagu qabtay caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ee Seoul.