Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo siday gaaska cuntada lagu karsado uu maanta dab ka kacay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow xaafadda Fedha estate ee magaalada Nairobi.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in goobtaasi la xiray.
Hal qof ayaa dhacdadaasi ku dhaawacmay.
Abaare duhurnimadii maanta ayay ahayd markii la arkay qiiq cirka isku shareeray.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadaasi ayaa warbaahinta la hadlay.