Dowladda dhexe ayaa billowday geeddisocod albaabada loogu laabaya ku dhawaad 200 oo ah xerooyinka hooyga u ah qoysaska ku barakacay daadadkii dhawaan wadanka saameeyay.
Waxaa xerooyinkan ka mid ah labo ku yaalla Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru halkaasi oo ay ugu yaraan 60 qof ku dhinteen iyadoo 161 kalena ay barakaceen ka dib markii uu soo fatahay biyo xireenka Kijabe dam.
Wasiiradda wasaaradda jaaliyadda bariga Afrika ee EAC, gobollada iyo horumarinta deegaannada oomanaha ee ASALs Peninah Malonza ayaa sheegtay in tirade xerooyinka ee barakacayaasha gudaha ay ahaayeen 198.
Waxay intaasi ku dartay in hal toddobaad gudaheeda la xiray 92 oo goobahan ka mid ah.
Malonza ayaa hoosta ka xarriiqay in guud ahaan wadanka roobabkii da’ay iyo fatahaadihii ka dhashay ay ku dhinteen ugu yaraan 300 qof.
Waxay intaasi ku dartay in daadadka ay saameeyeen 32 ismaamul halkaasi oo ay ku barakaceen in ka badan 300,000.
Wasiiradda ayaa sheegtay in madaxweynaha dalka William Ruto uu ballan qaaday in barakacayaasha dib u dejin loo sameynaya taasina la billaabay.
Wasiiradda ayaa dhanka kale xustay in weli la la’yahay 52 qof .