Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay in la dhimay miisaaniyadda xisbiyada

0
254

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabo lagu dhimay miisaaniyadda lagu maalgeliyo xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Lacagtan la yareeyay ayaa qayb ka ahayd miisaaniyad dheeraad ah oo la soo saaray sanadkii 2023-kii.
Garsoore Chacha Mwita ayaa go’aamiyay in go’aankaasi uu ahaa mid baalmarsan qaybta 24-aad farqada koowaad ee xeerka xisbiyada siyaasadeed ee dastuurka dalka.
Waxaa qaybtan ku cad in sanduuqa maareynta xisbiyada siyaasadeed aan la siin karin miisaaniyad ka yar boqolkiiba 0.3 ee dakhliga ay uruuriso dowladda sare ama sida uu baarlamaanka ansixiyo.
Garsooraha ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta marka uu qoondeynta miisaaniyadeed sameynaya uunan ku xadgudbi karin xeerarka degsan.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ee ODM oo ay hor kacayeen madaxa xisbigan Raila Odinga iyo Xoghayaha Guud Edwin Sifuna ay cambaareeyeen tallaabada uu baarlamaanka ku yareeyay dhaqaalaha sanduuqa maalgeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.