Israa’iil oo isbitaallo iyo guriyo ku weerartay Waqooyiga Qaza

0
205

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u sii galayaan xerada qaxootiga ee Jabalia ee Waqooyiga Qaza.
Waxay halkaasi ku weerareen isbitaal iyo dhismooyin la deggan yahay oo ay ku garaaceen dabbaabadaha dagaalka .
Dhanka kale waaxda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa laga soo xigtay in aan shacabka gaajeysan ee Qaza weli loo qaybin 569 taan oo gargaar baniaadannimo ah oo laga gudbiyay marin uu Maraykanku ka sameeyay Qaza.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa dhankiisa ka digaya in haddii aan si degdeg ah shacabka Qaza loo gaarsiin cunto ku filan in ay saameyn karto macluul baahsan.