Ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

0
334

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 7 ruux lagu dilay duqeyn uu militariga Israa’iil ka gaystay Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto.
Waxaa dadka la dilay ka mid ah macallin iyo dhakhtar.
Dhanka kale , laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,562 halka la dhaawacay 79,652 kale.