Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 6 qof halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay waddada xiriirisa magaalooyinka Eldoret iyo Nakuru.
Shilka ayaa abaare 3-dii galabnimo ee shalay laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Rapture area oo masaafo ah qiyaastii 15 kiilomitir dhanka bari uga beegan saldhigga booliiska ee Timboroa .
Waxaa shilka oo sidoo kale sababay dhaawacyo culus uu u dhexeeyay baabuur nooca Mercedes-Benz ah iyo gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay leedahay shirkadda 3NT Sacco .
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka deegaanka Burnt Forest si loo daaweeyo.
Maydadka 6-da qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Eldama Ravine iyadoo la filaya in qalliin baaritaan ah lagu sameeyo.