Laanta tabarucaadda ee M-PESA Foundation ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa lacag dhan 77 milyan oo shilin ku maalgelisay barnaamijyo caafimaad.
Adeegyadan ayaa laga bixiyay 12 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Ismaamulladan ayaa kala ah Nairobi, Kakamega, Mombasa, Meru, Kisumu, Trans Nzoia, Narok, Lamu, Nyandarua, Garissa, Kirinyaga iyo Machakos .
Omoga Owino oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi ee ka faa’iidaystay daryeelka caafimaad ayaa dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.