Kenyaanka oo looga digay mid ka mid ah daawooyinka kansarka oo kontaraabaan ah

0
221

Guddiga qaabilsan maareynta farmashiyada dalka iyo ka hor tagga isticmaalka waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ayaa digniin soo saaray.
Waxaa uu guddigu dadweynaha uga digay in ay iibsadaan oo ay isticmaalaan daawada Herceptin 440mg (Trastuzumab 440mg) oo lagu daweeyo cudurka kansarka ee saameeya naasaha taasi oo lagu tilmaamay mid kontaraabaan ah oo la iibinaya.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkadda daawooyinka ee Roche Products Limited ee laga leeyahay Jarmalka oo daawadan soo saarta ay xaqiijisay in uu jiro nooc kontaraabaan ah lagu arkay suuqyada wadanka.
Guddiga PPB ayaa bayaan ku sheegay inuu xaqiijiyay in daawada uu iibsashadeeda iyo isticmaalkeeda ka digaya uu nambarkeedu yahay C5830083 .
Sidoo kale guddigan ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya cidii lagu cadeeya in ay iibinaysa ama qaybinaysa daawadan si loo xaqiijiyo badqabka shacabka.