Maxkamadda oo diiday codsi uu gudbiyay barasaabkii hore ee Murang’a

0
387

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi uu gudbiyay guddoomiyihii hore ee ismaamulka Murang’a ee Bartamaha dalka Mwangi Wa Iria.
Waxaa uu doonayay in la joojiyo kiis la xiriira musuqmaasuqa oo ay wajahayaan isaga iyo eedeysanayaal kale.
Kiiskan ayaa ku saabsan in dowladda hoose ee ismaamulka Murang’a sanado ka hor laga lunsaday 562 milyan oo shilin ka dib qandaraasyo loo bixiyay si aan habbooneyn.
Qareenka matalaya Wa Iria oo lagu magacaabo Ndegwa Njiru, ayaa doonayay in maxkamadda sare ay hakiso dhageysiga dacwadda ilaa iyo inta go’aan laga soo saaraya cabashadooda.
Hasa ahaate waxaa isku daygaasi laalay garsoore Nixon Sifuna.