Dowladda oo 19 ismaamul ka sameysay xerooyin gaaraya 115

0
620

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaacisay in 19 ka mid ah ismaamullada wadanka laga hirgeliyay xerooyin dhan 115 oo loogu talagalay in ay hooy ka dhigtaan dadka ku barakacay daadadka.
Xerooyinkan ayaa loogu adeegi doonaa 27,586 qof oo barakacayaal ah.
Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah in howlaha samatabixinta ay ka socdaan 12 dowlad deegaan sida Garissa, Kiambu, Migori, Narok, Kajiado, West Pokot, Nyeri, Siaya, Nyandarua, Kirinyaga iyo Tana River .
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in 336,000 kiilogaraam oo ah cuntooyin ay ka mid yihiin bariis iyo digir loo qaybiyay qoysaska ay saameynta ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay ee ismaamullada Busia, Homabay, Kisumu, Machakos, Nairobi, Nakuru iyo Murang’a.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dadka deggan meelaha u dhow webiyada , biyo xireennada iyo biyo-qabadka lagu amray in ay goobahaasi ka guuraan ka hor 6-da maqribnimo ee maanta haddii kale in si qasab ah looga saari doono.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in daadgureynta qasabka ah la sameyn doonto laga billaabo 6-da ilaa 6:30 maqribnimo ee maanta.
Waxaa uu tani u aaneeyay in laga cabsi qabo dhul go’ saameyn kara meelaha u dhow ilaha biyaha maadaama 178 biyo xireen oo ku yaalla dhulalka dowladda iyo dhulalka sida gaarka ah loo leeyahay ay buuxsameen ama ay ku dhow yihiin in ay buuxsamaan.
Ilaa iyo hadda waxaa roobabka iyo daadadka ku nafwaayay 210 qof guud ahaan dalka.
Tirada guud ee dadka ay saameynta soo gaartay ilaa iyo hadda ayaa ah 196,296 qof.
Waxaa dhanka kale dhaawacmay 125 ruux iyadoo ugu yaraan 90 kalena weli la la’yahay.
Sidoo kale waxaa roobabka iyo daadadka ku burburay kaabayaasha dugsiyo dhan 1,967 .
Sidoo kale waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus ay ka da’aan 33 ismaamul sida Nyeri, Muranga, Kirinyaga, Kiambu, Nyandarua, Machakos, Embu, Tharaka Nithi, Meru, Marsabit,Nandi, Bomet, Nakuru, Elgeyo Marakwet, West Pokot, Baringo, Samburu, Turkana, Uasin Gishu, Laikipia, Narok, Kakamega, Vihiga, Busia, Bungoma, Trans Nzoia,Kisumu, Kisii, Nyamira, Migori, Siaya, Homabay iyo Nairobi.