DHAGEYSO:Mithika Linturi oo ku gacan seyray ololaha xilka looga qaadaya

0
441

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in uunan wax walaac ah ku hayn iskudayga qaar ka mid ah xeer dejiyaasha wadanka ay ku doonayaan in ay xilka uga qaadaan.
Xilli uu ka hadlayay munaasabad lacag lagu uruurinayay oo ka dhacday deegaanka Bartamaha Imenti ee ismaamulka Meru ayuu sheegay in aan xil ka xayuubin lagu cabsi gelin karin.
Waxaa uu sheegay in ka hor dhammaadka toddobaadkan la ogaan doono xaqiiqada la xiriirta bacriminta aan tayo ahaan wanaagsanayn ee la sheegay in beeralay laga iibiyay taasi oo abuurtay hadal hayn ballaaran.
Wasiirka beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in uu gudanaya waajibaadka uu u igmaday madaxweynaha dalka William Ruto sidaasi awgeedna aan marnaba laga mashquulin doonin hadafkiisa shaqo.

Tani ayaa timid ka dib markii xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Bumula ee ismaamulka Bungoma ,Jack Wamboka uu gudbiyay warbixin ah in xilka laga qaado wasiir Linturi.
Wamboka oo xusay in ay ololahan taageerayaan 110 xildhibaano ah ayaa rajeynaya in guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula uu arrintan ansixiyo si baarlamaanka loo horgeeyo oo looga doodo.