Madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in dowladda keliya ee ka hor tagi karto duqeymaha Israa’iil ee magaalada Koonfureed ee Rafah ay tahay Maraykanka.
Waxaa uu sheegay in duullaanka la filaya maalmo gudahooda uu Falastiiniyiin dheeraad ah ku qasbi karo inay barakacaan.
Madaxweynaha Falastiin ayaa shirka gaarka ah ee madasha dhaqaalaha caalamiga ee maanta lagu qabtay magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka sheegay in ay Maraykanka ugu baaqayaan inuu Israa’iil ka dalbado in aynan weerarin magaalada Rafah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil muddo toddobaadyo ah ku hanjabaysay in ay duullaan dhameystiran ku qaadi doonto magaaladaasi.
Waxay ujeeddada laga leeyahay qorshahan ku sheegtay cirib tirka ururka Xamaas.