Waxaa saaka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee ismaamulka Kisumu ka caga dhigatay diyaarad militari oo sidda meydka taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta oo galinkii dambe ee Khamiista ku geeriyooday shil diyaaradeed.
Meydka General Francis Omondi Ogola oo 62 sano jir ahaa ayaa loo qaaday Siaya.
Munaasabadda aaska ayaa ka qabsoomi doonto dugsiga hoose dhexe ee Obama K’Ogello ee tuulada Ngi’ya .
Intaasi ka dib waxaa meydka Ogolla lagu aasi doonaa tuulada Mor Village ee dowlad deegaankaasi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa munaasabadda aaska ku hoggaamin doono qaranka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in shilkii diyaaradeed ee 18-kii bishan ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley ay qaranka uga baxeen waddaniyiin aad u dadaali jiray.
Waxaa uu xusay in waxqabadka General Ogolla iyo 9-ka sarkaal ee kale ee dhacdadaasi ku dhintay uu ahaa mid muuqda.
William Ruto ayaa sheegay in KDF ay ka geeriyoodeen ciidamo weli awood u lahaa in ay wax badan ku biiriyaan difaaca iyo amniga wadanka.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ku faanaya in uu la macaamilay General Ogolla.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ugu wanaagsan ee lagu daydo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in taliyihii militariga ee geeriyooday uu ka qayb qaadan jiray adeegyo faa’iidooyin u leh bulshada sida dhiirrigelinta iyo hagidda dhallinyarada marka uunan shaqadiisa caadiga ah ku guda jirin.
William Ruto ayaa mar kale sheegay in geeridii Ogolla ay ahayd mid si shakhsiyeed u taabatay wuxuuna magacaabidiisi ku tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu wanaagsana ee uu sameeyay.
Madaxweynaha oo mar kale u tacsiyadeeyay qoyska , ehellada, asxaabta Ogolla , ciidamada difaaca iyo si guud kenyaanka ayaa sheegay in waxa ay mas’uuliyiinta ka baran karaan nolosha taliyaha ay tahay in ay mudnaanta koowaad siiyaan u adeegidda dalkooda iyo dadkooda si hagar la’aan ah.