Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray 3 qof oo ku eedeysan in ay sideen bacrimin la soo xaday.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo bateen dhacdooyinka xatooyada bacriminta ee lagu bartilmaameedsado bakhaarrada qaran ee lagu kaydiyo dalagga ee (NCPB).
Qaybta DCI u qaabilsan howlgallada ee (OSU) ayaa ku guulaysatay in la soo xiro saddexda qof ee la tuhunsan yahay.
Sidoo kale saraakiisha waaxdan ayaa dib u soo helay 737 kiish oo bacrimin ah.
DCI ayaa magacyada eedeysanayaasha la qabtay ku kala sheegtay Cali Cabdi fataax, Cabdi Jabbar Xussen iyo Boniface Ouma Awili .
Waxaa laga qabtay dukaanka Baraka shop ee lagu kaydiyo badarka ee ku yaalla suuqa Matisi ee waddada u dhexeysa magaalooyinka Kitale-Endebess ee ismaamulka Trans Nzoia.
Bacriminta la soo helay ayaa qiimaheeda lacageed lagu sheegay 1.8 milyan oo shilin waxayna doonayeen in ay u gudbiyaan waddan Kenya daris la ah.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxaana lagu wadaa in maxkamadda la soo taago.




